dumar waa doorka noloshoo
dumar waa doorka nabadoo
dambi maanan galin
dalka maanan giubin
dadna maanan dilin
wayska duubanahoo
dalka waa u halganaa
dulmi baa nalaka galay
dumar waa doorka nolosho
dumar waa doorka nabadoo
dayac maanan dhigin
reerna maanan dumin
ruuxna maanan durin
madaafiic kaliyaata iyo
dab holcaa nalaku shiday
dulmibaa nalaka galay
dumar waa doorka noloshoo
dumar waa doorka nabadoo

dakhli maanan xadin
ceebna maanan dumin
ragnana maanan didin
dunidii faaya iyo
daahir baa nahayoo
dulmi baa nalaka galay
dumar waa doorka noloshoo
dumar waa doorka nabadoo
dalka maanan dagin
dawlad maanan ridin
colna maaanan dirin
rageena na dayacay
diiftaa ina baday
dulmibaa nalakka galay
dumar waa doorka noloshoo
dumar waa doorka nabadoo

Exit mobile version