VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta Dumar waa doorka nabada mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Dumar waa doorka nabada

dumar waa doorka noloshoo
dumar waa doorka nabadoo
dambi maanan galin
dalka maanan giubin
dadna maanan dilin
wayska duubanahoo
dalka waa u halganaa
dulmi baa nalaka galay
dumar waa doorka nolosho
dumar waa doorka nabadoo
dayac maanan dhigin
reerna maanan dumin
ruuxna maanan durin
madaafiic kaliyaata iyo
dab holcaa nalaku shiday
dulmibaa nalaka galay
dumar waa doorka noloshoo
dumar waa doorka nabadoo

dakhli maanan xadin
ceebna maanan dumin
ragnana maanan didin
dunidii faaya iyo
daahir baa nahayoo
dulmi baa nalaka galay
dumar waa doorka noloshoo
dumar waa doorka nabadoo
dalka maanan dagin
dawlad maanan ridin
colna maaanan dirin
rageena na dayacay
diiftaa ina baday
dulmibaa nalakka galay
dumar waa doorka noloshoo
dumar waa doorka nabadoo

codkii Waayaha Cusub