VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Kugu dhimay - Lyrics

Qaraxyadii ka dhacay Dhulkeenii lagu dhamaayoo Kan dhigay iyo kan dhintay Misna way Wada dhasheenoo Kugu dhimay kaa dhimay Alshababow dhibka daaya Shacabka dhawr (dhoor) Dadka aad dhamaynaysan Waa dad Wada dhalaten Dhulka aad gubaysan Dhaxalkiina weeyan Is qarxinta naga dhaafa Dhibatada naga daaya Dhalankiyo halaynina Bulshaden dhamanted Waxgalkiyo dhaqtarada Waayeelada ha dhagrina Dhawra oo ilaashada Haweenkena dheemanka ah Hubka dhiga Isis iyo Xagjirnimo ka dheeraada Alqacida ka dhamaada Nolashiina yaysan dhumin Kuwaan dhimman Dhimirkana beelay Dhagihiina ka furaysta Dhaqankooda diida Dib u dhaca wadankena Dhalinyaroy ka fogaada Qaran'nimo loo dhanyahay Dhidibada u adkeeya Hadalkayga dhuuxa Nabada dheefa Xasilooni lagu dhargo Somaliyey Ka dhabeeya Alshababow dhaca Dhagahana beela Dhudhumada ka jaboo Dhuma oo ba'a = Qaraxyadii ka dhacay Dhulkeenii lagu dhamaayoo Kan dhigay iyo kan dhintay Misna way Wada dhasheenoo Kugu dhimay kaa dhimay Alshababow dhibka daaya Shacabka dhawr (dhoor) Dhalinteena badankood Dhibtooden Saxarahay ku dhumayan Dhamaden Silic bayna ka dhargen Dharaarahan Waalidiintii dhalayna Dhakafaareen Dheldhel ha umodina Adinkiyo dhidirada Isma dhantan Dhurwaa iyo waxad tihin Dhashii baas Danaystaha an dhargayn ha dhaco Kuwa dhuuni raaca Ha dhacaan Daba dhilifyaduna Ha dhacaan Dhawaqayga maqal Yuu ku dhaafine Halagan an dhamaanayn Ka dhiidhiya Dhowrtadana badiya Ku dhiirada Isku soo dhawada Isku so dhawada Gacmahana isku dhiiba Wadankana dhista Alshababow Dhaca Xagjirnimoy dhac Isis oo dhaca Mintidiintow dhac Xagjirintow dhaca Alshabow dhaca Dhagahana bela Dhudhumada ka jabo Dhuma oo ba'a Qaraxyadii ka dhacay Dhulkeenii lagu dhamaayoo Kan dhigay iyo kan dhintay Misna way Wada dhasheenoo Kugu dhimay kaa dhimay Alshababow dhibka daaya Shacabka dhawr (dhoor)
Queue is empty
-- / --