markuu lasku wadhan yahoo
lulumaha biyaha
ladnaan ugu dabaashaan
markuu laasto oo gudho
saw lulugo ulama tago
lamaanaha is doortana
laydh caafimaadiyo
waxay libin haleelaan
markay laab ka tahay
laqwi hadalka uga dhicin
ana laacdankii
iyo loolankii shalay
liibaantan filaayee
adigaa iga laaloo
inaan lumo ka taliyee
laqanyadaa kalgacaladu
marka ay ku lagadee
ana laaca tiigsado
adigoon laxaad hayn
oo luun ku qawracay
armaad hadhaw lug iyo faras
labadaba igu raadisaa

ileen layli lama raro
luquntiiisa lam xidho
isagoon xadhiga laasimin
haamuhuu lulaayoo
loolkiyo magaadu ka cararaa
ruuxii lagu kalsoonyahay
la isku aaminaayoo
wacad lala saxiixdaa
ileen liida doqoneey
leebka mudaa ma garate
ana laacdankii iyo loolanki shalay
liibaan filaayee
adigaa iga laalo
inaan lumo ka taliyay
laqanyadaa kalgacaladu
marka ay ku lagadee
ana laaca tiigsado
adigoon laxaad hayn
oo luun ku qawracay
armaad hadhaw lug iyo faras
labadaba igu raadisaa

Exit mobile version