VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Qaxooti - Lyrics

qaxooti yaa donayaa dalka yaa ka dhoofayaa dirirta yaa ka cararayaa dadka ana xambaaraaya oo duudka saarayaa halkuu doono gaynaaya haduu doolar bixinaayoo degdeg weeyi diyaaradaydu fiisa lagama dooonaayoo baasaboor dan ha u galin ileen dawlad ma lihide dusduskiyo khiyaamada anigaa digtoor ku ah halkaad dunida jeceshay anigaa dig kugu siiin hadaad doolar bixinayso yaa duulayo soconaya qaxooti yaa doonaaya dalka yaa ka dhoofaaya dirirta yaa ka cararaya yaa duulayo soconaya qaxooti yaa doonaaya dalka yaa ka dhoofaaya dirirta yaa ka cararaya waa duul shisheeyee yaa carabta doonaaya loo diraa sucuudiga tarxiil yaa diyaar u ah hadaad damacdo inad dhoofto digniin baa la socote qofka duulayoow heedhe hadhaw muranma doonaayo haduu line ku kula dago hadii daadku kula tago dib hadaad usoo noqoto dambi anigu kuma lihi yaa duulayo soconaya qaxooti yaa doonaaya dalka yaa ka dhoofaaya dirirta yaa ka cararaya
Queue is empty
-- / --