Heesta Heesta Nabsi - Lyrics
Onkad nowlehiyoo
Naruuriyo hilaac
Nasriyo sidii
Naxariis ilaaah
Nasab doorashada
Isku nooca dookh
Sida niyo aliif
Taan noqonayee
Caloishayda nigaxan
Adigoo ku nagi
Nasiya qalbigaa
Nafaqaynayaan
Nayla daajisayoo
Nabad dooxan baad
Naxash saartayoo
Kama nuuxsadee
Naxdin li'i
Sidii nacab gowracdee
Nabsii gaaxsaday
Sida naas irmaan
Ha ku nuuga waa
Nirga kugu sidkanee
Neecaaw janiyo
Ubaxiyo nabaad
Nimca duugatiyo
Sida nuurka qamar
Noolaha middaan
Neexaabo is iri
Nuxurkiyo cishqigaa
Naaxnaaxinnee
Calafiyoo nasiiib
Wada naawilnaaay
Niyaddii kalgacal
Adigoo ku naban
Adigaa nacay
Kana naadiyoo
Qalbi kuu nugul a
Laba raysayoo
Naxdin li i sidii
Nacab gowracdee
Nabsii gaaxsadee
Sida naas irmaan
Haku nuugo waa
Nirga kugu sidkanee....