dhool da'ay la moodyee
waan kugu dhadhabayaaye

dharaartaynu kulanaa
dhulku ila wareegee
dhimasho iyo nololbaan
wali kala dhex joogaa
dhankii aad i marisaba
kuu dhiibay taladee

adna ha igu dheeraynoo
dhibaatadan i haysoo
ha ii soo dhawaynee
aan dhamayno xaajada

dhal wadaad la moodyeey
indhaha ku dhaygagay
dhabanada hilaaciyo
dhoola ka qosolkaagii
dhaqaaq joogsigaygaa
dhalaanku ila yaabaan

yuu ku dhaafin hadalkuye
ii dhago nuglow

Exit mobile version