waad hanatay laabtayda
ila lihid naftiyo maanka
ku lamaanid ruuxdayda
ladanoow dareenkayga

lurimaayo kuma liido
leelinmaayo kuma laaloo
cishqiguna ma liicaayo
labac labacdu kaa reeban

abid kuma lugaynaayo
laac kuuma dhigidoono
jacalkana maluminaayo
cidna kugu labayn maayo

waa luul jaclkaagu
love kaagu waa dheeman
adigaan lab kaa doortay
oon kugu lamaanaaday

hayga limiqsan hana leexan
haka laaban wacad keena
libinteena sii xooji
lac kusoodhe laga soogal

Exit mobile version