adaa ha dhugtay qof ku
dhaaday oo ku dhaartay
ada dhayay dhaawacayga
oo idhawray adaa
dheeman iga dhigay
oo idhiirshay adaa idhiirshy
adaa dhisay qalbi dhintay
oo ku dhaartay

naf dhantaalan dhibka jiray
dhakhtar keeeda dhaxan
biiye dheeli tire dhayahayga
farxad dhaabe iidhabeeye
hayga dhumin inta dhiman
iidhameeyoo hayga dhiman

dhimirkayga dhudahayga
saw kugu dheehay dhan
ka bixi wadnahayga
kugu dhaabay marna
dhiiga nafku dhaaday
ku dhexnoolid igu dheerid
igu dhiganid oo ku dayranid
barta dhunta dheef mareenka
ku dhex beernid

adaa dhaxlay xubi dhawrsan
oo xad dhaafa ada dagay
dhimirkayga oo dhexqaday
ada dhaama kun dhigaaga
oo wax dheerid adaa dhaga
nabdi dhumay oo daryeela

handhaawacay dhamaystire
dhidibkayga dhol dhooliye
i dhiiriya dhaymahayga
nolol dhuntoo dib udhisoo
hayga dhumin inta dhiman
iidhameeyoo hayga dhiman

Exit mobile version