VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Nafsi - Lyrics

Qofkii kuu daneeya Markaad dhib dareento Sidii doog ku yaal Daryeelkuugu baanta Markuu kugu daalo Dushiisa ku saarto Intuu kuu danseego Inuu ku daahdaahshoo Markaad doc uga baydho Markaad doog ku taal Intaad dawayn lahayd Damaqdeed hulaalsho Sow nafsi danbeeya Docdaada maad dhigan Qofkii ku daweeya Markaad lur daciifto Sidii doox u dheefa Dadaal kugu kaaba Haduu kugu daaho Samaan kuugu dayro Adoo dafiraaya Inaad dhib ku daarto
Queue is empty
-- / --