1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane
Ilkaha u eg daruurtee
Ciridkaaga duhulka ah
Mowluhu ku daahiyo
Dibnaha dhuxusha moodee
Mar mar dib uga feeydiyo
Sanqaroorka soo dagay
Indha deeraleey
Daymada xishoodka
Markaad luqunta dadabtaa
Kolba laygu didayaa
OO layga darayaa
Indha deeraleey
Dumar ugu fil rooneey
Dayax shan iyo tobanaay
Dahab lagu metaaleey
Da’ada tii todaba toban
Gugan loogu darayee
Indha deeraaleey
Dib timaha u dhacayee
Diilimaha dhabarkiyo
Garbahoo dhan daahiyo
Sida tixida xaada
Dayruwaha qadaadkiyo
Sunayaasha duuga
Caman doombir laayeey
Daymada xishoodka
Markaad luqunta dadabtaa
Kolba laygu didayaa
Oo layga darayaa
Indha deeraleey
Dumar ugu filrooneey
Dayax shan iyo tobanaay
Dahab lagu metaaleey
Da’ada tii todaba toban
Gugan loogu darayee
Indha deeraleey
Markaad socodka damacdee
Daganida talaabada
Miisaanka lagu daray
Laafiyaha la daawado
Dadku wexeey yidhaahdaan
Meey daarin cidee
Daa’uus la moodyeey
Daymada xishoodka
Markaad luqunta dadabta
Kolba laygu didayaa
Oo layga darayaa
Indha deeraaleey
Dumar ugu filrooneey
Dayax shan iyo tobanaay
Dahab lagu metaalaay
Da’ada tii todaba toban
Gugan loogu darayeey
Indha deeraaleey