Heesta Barasho - Lyrics
kalgacaylku waa boog
ka dhex beerma aadmiga
ruuxii uu mar beegsado
kama boxo bukaan socod
balantiyo axdiga ruux
iska baal maraa jira
beeneeya caashaqa
aniguna baryahan
nafta kala barkeedoo
waxaan kaala baqayaa
halka aad u badantahay
nabsi inuu ka beermee
baahidaa aan kuu qabeen
la basaasay inanyohow
adaa biin karaaye
iga bixi badwayntani
waatan barashadeenii
kaaga dhigay baraariyo
farxad baaqi noqotee