Heesta Beerjileec - Lyrics
Inoo caashaq Ba'anyahay
Aadanaha barkii dilay
Aboowe ma been baa?
Inaad igu bargooysoo
Boholyowga ila haray
Aboowe ma been baa?
Naftu waa basteedoo
Waa baxnaano maantee
Ma ibaanataayoo
ma ibeerjileecdaa
Inoo igu balaadhoo
Badi galay jirkaygoo
Aboowe ma been baa?
Inaan kuu basaasoo
Kalgacaylka ila baxay
Aboowe ma been baa?
Naftu waa basteedoo
Waa baxnaano maantee
Ma ibaanataayoo
ma ibeerjileecdaa