doog baan qabaayoo
mana dayn karaayee
naftaa dooganaysoo
adiguna docdaadii
ma u tahay diyaaroo
ma dawayn karaysaa
mise waanba daayaa
hoosaan u duugaa
damqashadu siday tahay
mar hadaan ku doortee
doookhu iigu dhacay
nasiib iigu kaa daray
calaf iigu kaa daray
oo la iigu kaa daray
rasmi iigu kaa daray
reerku iigu kaa daray
oo la iigu kaa daray
maxaa laa iigu kaa diraay

dareenbaan qabaayoo
damiir igu kaa xidhay
darajiyo wanaag baan
kula doonayaayo
adiguna dareenoo
ma ii diir naxaysaa
mise waan ku daalo
ooo waan daboolaa
jacayl iyo dantiisee
mar hadaan ku doortee
doookhu iigu dhacay
nasiib iigu kaa daray
calaf iigu kaa daray
oo la iigu kaa daray
nolol la iigu kaa daray
rasmi iigu kaa daray
reerku iigu kaa daray
oo la iigu kaa daray
rabi iigu kaa daray
maxaa laa iigu kaa diraay

Exit mobile version