Heesta Dawo iyo Jacayl - Lyrics
Maxmuud Muniir
Dumar hibashadoodaay
Darmaantaan jeclaayeey
Qurux daa'in siiyeeey
Dooqeyga, dooqey ku raacaay
Durdurada biyaha iyo
Dhibic hoorey kheyraad
Maasheeyay dunidoo
Lagu diirsadaa tahay
Doonis iyo kalgacal
Deeh iyo jaceyl
Ayaa ila darsoohoooo
igukaaa daroo
Aan la daalanee
Dawadeydiyey heeey waan ku doonaya
Xaawa kiin
Hondorki rageedoow
Danabkaan jeclaayee
Heybaad daa'in siiyee
Maankeyga, maakeyga deeqoo
Dii daman hadh weyn iyo
Dalag doogu qariyoooo
Daawashada ku wacanoo
Lagu doogsadaa tahay
Darar iyo kalgacal
Dadab iyo aroos
Ayaa ila durgoohoooo
Igu kaa darooo
Aan la duubaneee
Damiirkeygiyoo hoow
waan ku daba socdaa
Maxmuud muniir
Daa'uus la moodyeey
Dayaxii aduunkaay
Dugsii dhaxanta celi iyo
Dawadii, dawadii nafteydaay
Dalkeenoo barwaaqaa
Dadkenoo iswaheshadaa
Farxad iyo damaashaad
Aan ku dadab galeenaa
Doonis iyo kalgacal
Deeh iyo jaceyl
Ayaa ila darsoohoooo
igukaaa daroo
Aan la daalaneeee
Dawadeydiyey heeey
waan ku doonaya