jacaylku ilayn dhib weeyee dhinbiil ololaysan
dhadiyo ceeryaamo marna dhalanteed fog
hadaad dhaxalkiis heshan dheefbaa quudanaysoo
ruuxii dhadhanshaa ma nacoo gaar kaama joogi karo
dhankiisaan eegayaayoo waliba sii dhuganayaa
haduu dheeryahay rabaa aniga iisoo dhawayn
talada aan u dhiibaya
jacaylku ilayn dhur weeye nasiibku kudhaansan
dhaqaalaan dhamaanin weeyi dhankaagana
dhaafin weeyi
hadaad soo dhawaysana naftaa dheehanaysee
ku dhigay laabtaydan dhigay macaan dhinacaaga
qabo

Exit mobile version