waligay qof meen dhegin
gar darona kamaan galin
gacal iyo xigaalaba
gocashadu se waxay tahay
barta eexa lagu galiyo
gudidii ka toosiyo
godob iga galeenee
gaaladaa gafeysee
gedka kalaa kaleeyahay
garna allay taqaan
gubaad iyo heesahan
waafaqayda maansadan
gardaro kumaan helin
gocashadu se waxay tahay
barta eexa lagu galiyo
gudida ka toosiyo
godob iga galeenoo
gaaladaa gafeysoo
ged kalaa kaleeyahay
garna allay taqaan

Exit mobile version