Qoomaal:
Garmaqaato Jacayl baa
Igardaashe anigee
Waa la'igu guuxaa
Galgacaylkan garaadsaday
Ruuxna gooni uma laha
Gooni maayo Ogsoonow
Gunteeda ku heesta
Wada jir
Guurkeena hagaagee
Galad baynu joognaa
Gacaliyo Mahadow
Gacalow gacalow
Gacaliye geeskaaga ila qabo
Gacala Faadumooy
Gacaloy Gacaloy
Gacalaay Geeskaaga ila qabo
Xaawo Kiin:
Gayaankaan jeclaayo
Ubaxaan igarab yaalo
Adaan kula gacloowdee
Gar alle Waxaan nahay
Labo gayaan is doortoo
Aan kala go'ooynee
Gaarsii nacabkeena
Wada jir
Guurkeena hagaagee
Galad baynu joognaa
Gacaliyo Mahadow
Gacalow gacalow
Gacaliye geeskaaga ila qabo
Gacala Faadumooy
Gacaloy Gacaloy
Gacalaay Geeskaaga ila qabo
Qoomaal:
Gaaridaan jeclaayee
Gayigooda Hablaha jira
Adaan kaa gacloowdee
Goortaan ku eegaba
Gantaalaha jacaylkee
Gardiyoo wadnaha
Gubba oo ??
Wada jir:
Guurkeena hagaagee
Galad baynu joognaa
Gacaliyo Mahadow
Gacalow gacalow
Gacaliye geeskaaga ila qabo
Gacala Faadumooy
Gacaloy Gacaloy
Gacalaay Geeskaaga ila qabo
Xaawo kiin:
Jacayl igu go'ween
Geesigii naftaydoo
Dhuuxayga gaaroo
Qalbigeega guntiisa
Gaar ahaan halboowlaha
Gogal xariir iyo Gogol aad ku leedhay
Wada jir
Guurkeena hagaagee
Galad baynu joognaa
Gacaliyo Mahadow
Gacalow gacalow
Gacaliye geeskaaga ila qabo
Gacala Faadumooy
Gacaloy Gacaloy
Gacalaay Geeskaaga ila qabo