guyal iyo guyaal
jacaylkii i galay
geediga u raray
aan goobi jirey

wakhtigaa guracay
waan soo godadayee
nasiibkaanan galin
gacal iyo xigaal
garab ii noqdee
waa igu gartee
gurmad ii noqdee

aduunyadu galin horiyo
galin danbay
isku goosheysaa
waxaan gortan la joogaba
niyadu ay garwaaqsan tahay
inay guushu soo dhawdahay
guulow garabkayga qabo

wakhti galab carow
goortan indhaha
gow ku siiyayoo
geesigan calmadayee

go aye wadnaha
gabtii ay ahayd
taarikhda gali
ubax guud casbaan
talo geed ka dhigay
hadba kuu guraa
guud kaaga dhigaay

w

Exit mobile version