Heesta Hana - Lyrics
ugub weeye inantani edeb lagu gardaadshee
akhlaaqdeeda gaarka ah mid la gaadhin weeye
garaadkiyo aqoontay gayaankeed wax dhertay
gacalo hooyadeedaa duco gaar u haysee
galbiskiyo arooskaa caawaan gogol dhigayna
gabayadiyo heesahaan idinku guurinayna
idinkuna aamiin anaguna ducaan idin la jogna
maxamed geesi hana geenyo
adiguna gudoon hoo inantaad gaclootee
haduu calafku kuu galay galad eebe weeyee
guri lagu nagaadiyo aayahiina gaadhoo
gabano wiilal iyo gabdhoba hela guule idin sii