Hobeey helalayaa
Hobeey helalayaa
Ma kaan u hiloobay
Hogiisa tolaayaa
Hogayga qodaayay

Adoo hungo joogo
Adoo hungo joogo
Ma kaan kuu hiilshay
Halyey kaa doortay
Jacaylka ilaashay
Miyaan ku hantaaqmay

Hobeey helalayaa
Hobeey helalayaa
Ma kaan u hiloobay
Hogiisa tolaayaa
Hogayga qodaayay

Sidii hablo weynta
Adoo hoganaaya
Adoo hoganaaya
Hooskiisa ku dhuuntay
Kahaa jiray guurka
Miyaan leg ku sooray

Hobeey helalayaa
Hobeey helalayaa
Ma kaan u hiloobay
Hogiisa tolaayaa
Hogayga qodaayay

Hafeefta jacaylka
Haydaarta i saaqday
Halbawlaha qoomamo
Ma kaan u hibeeyay
Halgaada i saaray

Hobeey helalayaa
Hobeey helalayaa
Ma kaan u hiloobay
Hogiisa tolaayaa
Hogayga qodaayay

Habeen iyo maalin maalin
Habeen iyo maalin maalin
Ma kaan hadhadiisa
Hawshiisiyo tayda
Anigu ku habsoobay
Hadeer iska guuray

Hobeey helalayaa
Hobeey helalayaa
Ma kaan u hiloobay
Hogiisa tolaayaa
Hogayga qodaayay

Exit mobile version