VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Jacayl asal ah - Lyrics

jacayl asal oo la inkiri karin ayaa i heloo la ilmeeyaa amuur uguboo aan filaayiyo waxaa i muuqda aayatiin wacan inuu ku arkuu amarkiisu yahay kama ahaan karee kaalayoo imow aynigeeda ugub ilwaad quruxeey anoo ku hantaan istareexi laa sidii olol la shiday oogta waabari ayaad u eegtoo kugu il doogsadaa sidii ufo rooboo cirkoo onkaday udgoonkiisii baad adigu leedahay anfaciyo maal waxa iiga wacan anoo ku heloo ubad kuu dhalee irmaan geeloo arlo nabadiyo ku nool aaranbaan adiga kaa bixin oorkii ragow ku aaminayee ii ahaw sidaan anba kuu ahee ifafaalo guur iftiinle iyo anshax iyo sharaf ishu arkaysaa
Queue is empty
-- / --