qarnigan raga kacay kii aan ka qaatoow
qalbigaan qufulaybaad furihiisii qabatoo
ruuxaan kugu qiyaasoon kula qiima dhigaya
indhahaygu may qaban

ila qaybso noloshoo qarqaryadan i haysiyo
iga qaad qabowgoo laabtaada igu qabo

xididada hiiga qaadiyo halbawlaha u qaybshaa
qayb kastoo jirkayga ayaad iiga qorantoo
sidaad ii qadarisaa qancisay naftaydii
kaalayoo wax ila qabo

Exit mobile version