Mudanahaan jeclaayow
Miskaxdiyo garaadkiyo
Miiganaanta ragaanimo
Rabaa kugu manaystee
X2

Lagu mood musbaaxoo
Miraalaha da'aayiyo
Maashee gudgude xalay
Ku macsuumay dunidii
X2

Aan minan yag leeloon
Nolol wada mushaaxnee
Adiguna macaanow mas–
Uul iga ahaaw maantaba
Isoodooon x2

Marwadii haween kaay
Miisaanka hadalkiyo
Maamuuska garashadu
Waa midaad ku dhalatee
X2

Lagu mood masciideed
Mirihii janada iyo muuqii
Arag suleekhoo sharaf
Lagu mariimaay x2

Aan minin yagleeloon
Farxad wada maqsuud
Nee adiguna macaanay
Meel mari jacaylkoo
Maaree maree dantaydi
X2

Muraayadii jacaylkow
Midho wada guduutiyo
Sida malabka doocaad
Ayaad ii macaan tahee
X2

Lagu mood mayay da'ay
Dhirta oo magooshiyoo
Ubax midabyo badanoo
Indhuhu muuq ku mahad
Shaan x2

Aan minan yag leeloon
Nolol wada mushaaxnee
Adiguna macaanow mas–
Uul iga ahaaw maantaba
Isoodooon x2

Muunadii jacaylkaa day–
Axii maciiniyo mataan–
Tayda caashaqee maan–
Kay dumar ka doortaay
X2

Lagu mood mahiigaan
Mowjadaha rogmanayiyo
Maayadaha hiraayee iiga
Muuqda sheedaa x2

Aan minin yagleeloon
Farxad wada maqsuud
Nee adiguna macaanay
Meel mari jacaylkoo
Maaree maree dantaydi
X2

Exit mobile version