reerkeenoo igu daray rijaal sharaflaan
adiga kaa raacayoon ku xushee
raxmadi hadalkaagiiba i rubad goysoo
runbaan u qabaaye rabitaankee
horaa loo yidhi rag male beentee
anigu nin ragaan ku moodayoo
walee rayi gaab ayaad noqotoo
guurkaagi rafaad ayaan ka dhaxlee

ilmadu i raxlaysay sidii rooboo
raxiin kaama helin rafaad mooyee
reerkii kaligay ayaa dhaqayoo
sidii awrkii la iraray

waadigan hadba naag ku roorahayee
waar ninkoow rati geel miyaad tahayee
rabaa la baryaa hadaad ribatoo

rajaan ka qabaa inaan raystee
dhalaankuna ay is raacaanoo
riyadayduna run ii noqotee
adiguna nabsi ha ku soo rido

Exit mobile version