Sidiibaa macaanoow
Adi kuu sugaayoo
Saqda dhexe habeenkii
Soo sara kacaayoo
So jeed la saaqiday
Siday noqonba mooyee

Subaxii imaadaba
Nafta waan sasabayee
Miyaad sooba noqonayn
Mise waan samraayoo
Ragbaa ragba waan ka soomaa
Ragba waan ka soomaa
Runtii waan ka soomaa

Jacaylkii isaaqiyo
Sambabadiyo beerkiyo
Xididada wadnaha sudhan
Saaniga u dagaybaa
Abid kula sugaayee
Soo dhawoow ila qabo

Subaxii imaadaba
Nafta waan sasabayee
Miyaad sooba noqonayn
Mise waan samraayoo
Ragbaa ragba waan ka soomaa
Ragba waan ka soomaa
Runtii waan ka soomaa

Exit mobile version