taariikh la qoray
turjun waxay u tahay
waxii hore u tagay
qofba taagtiibay
qodaxi ugu tagtaa

tiro waa xisaab
tuug tuug ma xado
tabco ruux yaqaan
ha ku taagin qolo
billey kula tagtee

taladana ALLAA
igu toosiyoo
tabtaad ila rabtana
mar horaan tuhmee

taleefoon danbiyo
waqti aan kugu tago
kuma taamayee
taa igu ogow

ha u tagin lipaax
meel taaganoo
tinta hawshaleey
ha is dhihin ku tumo
rruxanad tiisa hubin

taajir waa ILAAH
shalay waa wax tagay
naf teedii gashana
tawxiid lagu aqriyo
waxba kama taree

Exit mobile version