Heesta Waano - Lyrics
Adoo doon doon ahaa
Darqi socodkaal Ahaa
Dantaa ufaaf ahaa
Watiguna kuu darnaa
Doolar markaad heshaa
Kii shalay kaa dhigee
Dadna adiga kuu necbaa
Marbuu kugu soo dagaa
Xaqu soo daahiraa
Yaa doqon dad moodi jiray ?
Dadba yaa u qawi jiray ?
Daris yaa la noqon jiray ?
Dariiq yaa la mari jiray ?
Dagaal yaa la gali jiray ?
Darteed yaa udhiman jiray ?
D-da Xarafka Maansada
Dhaxdabaalan maayee
Waxaan hadalba kaga tagay
Haku deeqdo waanada
Adoo dibad meer ahaa
Daqash Aqalkaar ahaa
Diin socodkii lahaa
Marbuu dayax kuu ifaa
Nuur kuu daalacaa
Dahab raqiis ma noqdaa ?
Da** Arag ma baxaa
Dag dag door ma dhashaa ?
Anna dulqaad ma quuraa ?
Yaa ducuf ka heli jiray ?
Dunta yaa ku xiran jiray ?
Doqun yuu ugala jiray ?
Damiin yaa wax bari jiray ?
Daruus yaa udhigi jira ?
Daryeel yaa kusigi jiray ?
ayaa kasugu jiray ?
D-da Xarafka Maansada
Dhaxdabaalan mayee
Waxa hadalba kaga tagay
Haku deeqo waanada .
Lyrics by Smart boy