Heesta Anigoo caruuroo - Lyrics
Anigoo caruuroo
Caashaq gaarin weliba
Cirkaa la iiga yeeree
Markii aan cabbaar sugay
Cagta waxaa kasoo degay
Wiil cayn qurxoonoo
Midabkuna cassaan yahay
Waxaan iri caliyo nabad
Iima kala caddayninee
Casir degad miyaad tahay
Ma cadceeddabaad
Ka soo carroowde
Waabad iga cajabisee
Anna kama cabsooninee
Calooshayda wixii galay
Ciyoow baan su'aalee
Saa wuxuu yiri camuudiyo
Ciidda kuma istaagee
Calaf baa ikeenee
Canabeey wax ila qabo
Waxaan iri caliyo nabad ii kala caddeeysayeey
Casir degadna waad tahay
Oo cadceeddabaad
Ka soo carrawodee
Anna kuma collaysanee..