Aasaaskii dunidaiyo
Anigu dumar baan ahaa
Warshadii aadmiyo
Ugubkii noloshaan ahaa
Hayeeshee ina raggoo
Ergo iyo waxaan ahay dacwo
Eed baan kaa tabanayaa
Uurka ugu qaaday iyo
Waxaan fool arami kulal
Dhibaatada kugu umuley
Horaada ibo macaan
Anqaris waxaan kaaga dhigey
Asluubta wanaagsan iyo
Anshaxa dhaqankiyo hidaha
Aqlaaqda waxaan ku baray
Aad baan unasiib darnee
Madfaca aqalkeyga gubey
Kan igu ridey ma adiga?
Abaalkii hooyonimo
Ma layska ilowsan yahay?
Ax iyo way ma anigaa?
Allahlehe ina raggoow
Ergo iyo waxaan ahay dacwo
Eed baan kaa tabanayaa

Exit mobile version