Heesta Ixtiraam - Lyrics
Ixtiraam gobaad iyo Wanaag
Baan isku ogaynee
Eed gashayee waxaa kugu wacan
Waa af kala adkaaday
Indhahaaga oo shan ah
Adaa iska barayee
Naf lagugu aaminay
Adigaa Saaray oogada ee
Adigaa axdiga qaaday oo
Waan adkeyn yidhiyee
Si uun ii gal adigaan
Aadmiga kaaga soo go'ayee
Sidaad ii gashaan wali
Ogow uurka ku hayaa
Afar goysmo waxaa iiga daran
arimihii dhacayee
Indhahaaga oo shan ah
Adaa kays iska barayee
Naf lagugu aaminay
Saaray oogada ee
Adigaa axdiga qaaday oo
Waan adkeyn i yidhiyee
Si uun ii gal adigaan
Aadmiga kaaga soo go'ayee
Maxaan aamusnaadaa
Wadnaha iiga taalaayee
Qalbigayga edebta
aduu u sida a Maqaar baase
Indhahaaga oo shan ah
Adaa iska barayee
Naf lagugu aaminay
Saaray oogada ee
Adigaa axdiga qaaday oo
Waan adkeyn yidhiyee
Si uun ii gal
Aadmiga kaaga soo go'ayee
Qofka biyo agyaalaan
Hadana oon qabaan ahayee
Iidishee haddu imaan
Naftaad qursataa waynee
Indhahaaga oo shan ah
Adaa iska barayee
Naf lagugu aaminay
Saaray oogada ee
Adigaa axdiga qaaday oo
Waan adkeyn yidhiyee
Si uun ii gal
Aadmiga kaaga soo go'ayee
Indho garad hadaad tahay
Caqlaa laisku dhaafaayee
Oon isaaran igama dhagteen
Oolintaad beertoo
Indhahaaga oo shan ah
Adaa iska barayee
Naf lagugu aaminay
Saaray oogada ee
Adigaa axdiga qaaday oo
Waan adkeyn yidhiyee
Si uun ii gal
Aadmiga kaaga soo go'ayee