VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Jacaylkaan - Lyrics

Jacaylkaan igu ligligan Laxawga haba igu hayee Waxaan lasii yaabanahay Siduu liishaanka iyo Laleema la'aanta shiishkiyo Leebtiyo toogga iila helay Cakuyee laabtayda baas Midaan lurka ii hodayeen cakuye Anaa luquntayda suray cakuye Luggooyadan doontay iyo Anaa looyaan utagayee cakuyee Lammaane isdiidan iyo Jacaylkan layligaa Inaan ku mitido libtiyo Tallaabo ku libdhee iraa Dhannaba kuma laylsaniye Go'aan li'idee cakuyee anaa laab kacay hiyiga Anaa dhalanteed ku lumayee Anaa liilaalawda tuntayee Anuu ilaasimay jacayl Meelaan uga laabta iyo Lahayn cid iga leexshay Waa leebadda ugalayee Cakuyee i liqyoo yaxaas Anaa libta siiyayee cakuye Anaa isu loodayee cakuye Luggooyqdan doontay iyo anaa looyaan u tagayee Lammaane isdiidan iyo Jacaylkan layligaa Inaan ku mitido libtiyo Tallaabo ku libdhee iraa Dhannaba kuma laylsaniye Go'aan li'idee cakuyee Xamuudka Love Zamiinnaa
Queue is empty
-- / --