Kasxumaa naftaniyeey
Kibir waalanaa
Kuurkuursatee
Misna kufi ogaaa

Ma kacaa degbaa
Kodal reen miyaa
Adigoon kaban
Kadan kobcilaan
Kafantiro miyaa

Jacaylkaan ka didayee
Karkaarada ujaraybaa
Kaariyo xanuun badan
Igu kiciyee anigayee

Ku gubtayee allahayoow
Kurba caashaq kululaa

Faraskii kadalaha
Xawaaraha ku tagay
Diin kadaba kor baan
Kol go’aansadaaa

Kuma kaafisee ka har baan iraa
Misna koorta yucub
Kaalowdeedii baa
La igu sii kordhaa

Jacaylkaan ka didayee
Karkaarada ujaraybaa
Kaariyo xanuun badan
Igu kiciyee anigayee

Ku gubtayee allahayoow
Kurba caashaq kululaa

Exit mobile version