Kas xumaa naftani,
Kibir waalnaa,
Kurkursatee,
isna kufi ogaa.

ma kacoo degbaa,
Kobol reer miya,
Adigoon kaban,
Kadankood cidla,
Karriin tiro miyaa?!.

Jacaylkaan ka didayoo,
Karkaarrada u jaraybaa,
Kaar iyo xanuun badan,
Igu kiciyee anigee.

Ku gubtayee ALLAHAYOW,
Kurbo caashaq kulula,

Faraskii kadlahaa
Xawaaraha ku tagay,
Diin kadaba korbaan,
Kol Go’aansadaa,

Kuma kaafisee,
Kahar baan iraah,
Misna Koorta-yucub,
Kalowdeedii-baa,
laygu sii kordhaa,

Jacaylkaan ka didayoo,
Karkaarrada u jaraybaa,
Kaar iyo xanuun badan,
Igu kiciyee anigee,

Ku gubtayee ALLAHAYOW,
Korba caashaq kulula,

Exit mobile version