marbuu ku wanaajiyaa
wakhtigu ku hagaajiyaa
walaalkii kaa dhigaa
sidii waqall howdaa
heedhaadana lagu qoslaa
hadaad tahay ruux la weyn
marbaad kala weecaataa
waayuu cadow kuu noqdan
marbuu war kuu dhalaa
aduunyooy waayo badan
war wareega baa ku yidhi
fartiyo wadnaha isu qabo
wax garadiyo waayo arag
waxan waada ka maqal
wadeecadana daris uhalin
dantiisana bahalyaduur
aduuka waasaca iyo
weeyarac wali aan gudhin
aduunyoo baalaley
aduuyooy waayo badan
war wariyo baa kuyidhi
fartiyo wadnaha isu qabo

Exit mobile version