VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Nafyahay - Lyrics

Nafyahay kaaftoonka baro Kurbiyo ka xorow xasuus Kashaada ka saar hilow Inaad tahay ruux karti le Kufkaa ha xaqiiqsadee Ku dhiiro inaanad noqon Kufaha aan abidba kicin Karaamo ALLUU helaa Qofkii samir kaashadee Ku kaydi samo qalbiga oo Ka maaran qofaan ku tabin Nafyahay kiiskiisa laab Kalgacalkii shalay ku baray Kas kaaga tagoo ku jaray Intaad kali caban lahayd Ka dooro gayaanka ruux Kalsoonida kuu dhisoo Ka maydho wixii ku helay
Queue is empty
-- / --