Heesta Nasabkaay - Lyrics
dayaxa nuuraay dareeskii ii ifaay daruur curatoo doogii bixisaay
duntii nasabkaay dumarka dhaaftaay dabiibtay naftoo qalbigu kuu dihin
deeqsigaan jantoow dugsigii ragoow dookheena midaysani waa dahaboo
dubaaqa iyo laabtaa kuu daranoo daynadaan ku arkaa darteemay jacal
dumarkaba idilkood dibnahaanka xidhoo docdaad jirtaanku diirsadayoo
doorkaanku xushaan daawadii helayoo dararta caashaqaan durduurtay damayn
dadaalkaan ku jirnaa diwaan galnayoo danteena iyo samihii daala canoo
damaca reer nimo dabkiisa shidnoo aan dakayno caashaqii dirin diray
dadab galnayoo durmaan tumanayoo dal iyo dibadba tahniyad diranayoo
dig diga culimiyo dardaaran dhacyoo dar alle iyo ducaanku dagnee
doodaad tidhaahbaanku diirsandaayoo digsinay aroos dadeen dhiganayoo
dirkaynu nahaybaa duriyad wacanoo dar alle duco waalid baynu kudagnee