VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Badaw raaligalintii - Lyrics

ruuxaad jeclaatoo misna ku raaligaliyaa raasmaalka caashaqa ay tahay rugtiisuye raga kaan ku hanan karaynin haduu dokba ku raro raaxo lagama gaadhoo waa lagu rafaadaa yaase rabaa ruwaayadan saaxiib aad ku raran tahay raynkii jacaylkiyo sawnigii rarkaba dhigay ee ka raystay hawshii badaw raali galintii marna lagama raystee raafdilaaca caashaqa si kastood u roortoo raali gali wax badan u ruxayso laabtana ma rumaysto badawguye miyaad igu riyootiyo meel kaluu u rooraa yaase rabaa ruwaayadan saaxiib aad ku raran tahay reenkii jacaylkiyo sawnigii rarkaba dhigay ee ka raystay hawshii badaw raaligalintii runta lagama boodee riyo naag ku guursaad raganimadii moodoo adigaa ragaadshoo faraskaagii reebee wali waad ruxmaysaa kaa raystay aniguye haygu rogaal celin yaase raba ruwaayadan saaxiiib aad ku raran tahay reenkii jacaylkiyo sawnigi rarkaba dhigay ee ka raystay hawshii badaw raaligalintee
Queue is empty
-- / --