boholyawga xiisaha
boga iyo calooshiyo
beerkay i luxmanayo
daltabyaan bastay ahay
baraduu ilaahay
igu beeray aniga iyo
bartii aan ku kulanaan
barya moooganahayoo
bogan waayay jiifkee
ma baxdaa ma boodaa
beritaba ma duushaa
talaw baan ka wayniyo
daalo may iska beegtaa
miyay talo ku bilab tahay

boholyawga xiisaha
bulshadiyo dadkaygii
barbaartiyo asaagay
ii bidhaan dalkaygii
baradii hargeysiyo
buqcadii amaantiy
buurihii ku xeernaa
ayaa i bidhbidhayoo
xusuutoodu igu badan
ma baxdaa ma boodaa
beritaba ma duushaa
talaw boynta wayniyo
daalo mma iska beegtaa
miyay talo ku bilan tahay

Exit mobile version