markaad uur gubyaataan
ana umul wareeraa
markaad oohin mudataan
ana ilmada dareershaa
ax markaad tidhaahdaan
ana aah leeyahay
markaad ii darnaatay
talo igu adkaataa
dad jacayl abuuroo
soo wada unkaan nahee
naftaan eersiga kula neceb
markaan kaa ag waayaa
ogoow ana fikir aroooraa

markad reerka oodaa
ana raarta awdaa
markaad guusha ulataa
ana diif iloobaa
eed markaad ka durugtaa
ana aafo diidaa
markaad ii asqawdaan
ana kuu maraa olol
dad jacayl abuuroo
sooo wad unkaa nahay
naftan eersiga kula neceb
markaan kaa ag waayaa
ana fikir arooraa

Exit mobile version