Ma ogtahay gardaraneey
gacalyaal is jecel baad
intaad kala goysaad
midba gees ku laashee

Adigoo garaad qaba
guullena uu cadeeyaa
raggu godadle weeye
afar buu u goayaaaaa
ninkaad gaardiyeysaa

Aduu hooya gaadhaye
Gurigaaga uun joog
oo waad u hooya gaadhaye
gurigaaga uun joog

Guubaabdaa iyo intaad
hadal guracan tidhi
Gar loo wada islaamee
hagafine naa hooy joog

Sida adi ku guursaduu
Wali goobi qaar kale
Garaad kaagu inanyahay
Gurac buu u shaqeeya
gurac weeye gabadhyahay

Aduu hooya gaadhaye
Gurigaaga uun joog
oo waad u hooya gaadhaye
gurigaaga uun joog

Exit mobile version