VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Garnaqsi jacayl - Lyrics

jacyloow maxaad dhib keentay maxaad dadka kala dhantaashay maxaad niyad dhawrsanayd iyo qalbiyo badan dhaawac yeeshay qofkaad ku dhacdaa ogseene adoo dhagar qabe ku caana intaad cilmi ii dhexgaysay sabab u ah dhimashadiisa markay hodan kala dhaqaqen maxaad caashaqoow ka dheeftay hadaad igu dhiiri galisaye inaan kuu dhago nuglaadoo wiilkaad iisoo dhawaysay sirtayda markaan u dhiibay haduu cidllo kaga dhaqaaqay maxaad ii dhaarinaysay jacayloow ii dhaarinaysay maxaad dhalanteed abuurtay maxaa kuu ooyay dhaayo maxaa dhab dhab ruux ku mooday nolosha ka dhacoo la waayay qofaad dhiigiisa raacday adaa dhuuuniga ka gooyoo ragii waad sooo dhamaysoo haweenkii dhaafi waydooo markay murti kugu dhaliileen maxaad caashaqooow ka dheeftay hadaad igu dhiiri galisaye inaan kuu dhago nuglaadoo wiilkaad iisoo dhawaysay sirtayda markaan u dhiibay haduu cidllo kaga dhaqaaqay maxaad ii dhaarinaysay jacayloow ii dhaarinaysay
Queue is empty
-- / --