dhalin yahay tahriibtiyo
ku taamayaa dibadee
tacabkii dadkoodiyo
toodiiba lumiyoow

tuke meel ka qaq loo
waxa uu tabanayaa
takar kuugu taaluu
takanuu ka qaatee

taariikhda duugee
abidkeed is daba taal
aan idiin tilmaamee
tayaa layskuu dhaafoo
waa lays tirsanayaaye
talaw yaa inoo maqan

kuu tuugnayee alloow
tasaniyo ti maqan
tamashlayn barwaaqada
nagu tiiri nabad guul

markii aan tabaalada
jiif taahnayee
tiicii tuug aan naxayniyo
horor maygu taagsadayee

anoo maqlay tawaawaca
doonyaha tararxay
teeleelka qayladu
inuu yahay badh kuma taal

tobanaan halyayiyo
tidcan tia haldhaaleey
tos loogu waayoo
tiiraanyo ehelkd
ilma taabtay dhabankee
tala ma iska yeelnaa

kuu tuugnayee allahayow
tasaniyo tii maqan
tamashlayn barwaaqada
nagu tiiri nabad guul

Exit mobile version