xusuustiyo hoga tuskeeda
jacaylkiyo hawlihisa
habeen tagay hibashadayda
miyaan hamigii la toosay
miaan hadhka galay dharaartii
humaagiyo halalacdiisa
inaad i hor joogto mooday
miyaan hoosiiska raacay
markale tashigaan hilmaamay
miyaan holoshada xasuustay
ileen hadal lagamma daalo
hurdana hami lagama seexdo
hurgumo lama hawl yaraysto
hidana lama yeelan waayo

hawraartiyo sheekadayda
hankaygiyo himiladiisa
habeen dumay hawlahayga
miyaan hindisaha talaabay
intaan hawadayda raacay
miyaan hogoshiyo daruurta
hilaacii baxay ku mooday
miyaan gydcurkii halaabay
mar kale hirarkkaa ku foofay
miyaan hanqadhki ilaaway
ileen hadal lagama daalo
hurdana hami lagama seexdo
hurgumo lama hawl yaraysto
hidana lama yeelan waayo

Exit mobile version