jacayl hadafkiisu laalmay
markuu hilikiisu oodmay
horayso waxaan ilduufay
maxaan baryo soo haleeyay
saadaasha anoo hungeeyay
ayaanka anoo ka baydhay
rajadii anogoo hulaaqay
hantaaqo maxaan ku sooray
hafeefta laabtaan ku sooray
hadeerta markaan u baahday
hashiska intaan ku baaqay
caashaqa maxaan u heesay

jacayl hamigiisu wiiqmay
markuu halawgiisu bilaabmay
fudaydku markuuuu i heeray
wakhtiguu hagrashada abuuray
nasteexo anigoo ka hiishay
dhibtana hoygeeda seesay
hantaaqo ruuxaan badiyo
taladan haadaan ka turay
hafeefta laabtaan ku sooray
hadeerto markaan u baahday
heshiiska intaan ku baaqay
caashaqa maxaan u heesay

Exit mobile version