qumanoow qiyaas li,i
qalbigaa ku tabayee
qaarad kale anoo jira

qacdii aan ku halacsaday
qalanjadii naftaydiyo
qalbigayga deeqdaay

adaan kugu qarwaayoo
qaban maayo meel kale

qaadirkaa ku dhawroo
qayb iga midaa tahay

jacaylkeenan qanigaa
mawlihii loo qiyaasoo
qadar iyo wad mooyee
quban maaye waligii

jacaylkeenan qanigaa
qardhab iyo ifraaxeey
ka ilaali qaladkoo
qabyo yaanu kaa noqon

ruuxaan kugu qiyaaso
kula qayb dhigaayoo
qurux kula wadaagana

quman hooyadaa iyo
qoyskaad ku ababtaa
qiimahaagana noloshana

may qabanin indhuhuye
qayrkayba kumaan arag

qayb wacan ka qaatoo
iga mudan qadarintee

jacaylkeenan qanigaa
mawlii loo qiyaasee
qadar iyo wad mooyee
quban maayo waligii

jacaylkeenan qaniga
qardhabiyo ifraaxeey
ka ilaali qaladkoo
qabyo yaanu kaa noqon

Exit mobile version