VOA A B C D E F G H I J K L M N O P Q R S T U W X Y Z


Lubiga Lyrics

Mudaan lahashada qalbiga lingaxoo
Jacaylka ku laalay looli sare
Hadaan kugu ladhay xiskaad ku lignayd
Wakaa i luree dartaa i lushee
Lugooyo axdiga ka laandayro
Laantiisa ka beer bartaa laabtoo
Wixii ku luraa ladh igu fura oo
Hadaan ladan tahay anaa ladayee
Jacaylka lubiga kusii laban laab

U laac caashaqa sidaan u lisoo
Leeleelka ka da dantiyo libintoo
Labaynu nahee lilaahi ahoow
Kashaan u laqimay inaad leedee
Lagayga ku jiif horteed luxudkoo
Ha laacin haween labkaba ma arkee
Wixii ku luraa ladh igu fura oo
Hadaan ladan tahay anaa ladayee
Jacaylka lubiga kusii laban laab

loading..
-- / --