inta qalanja noollee
qaradaha aduunyada
dhamaan qaadirkeen
ku uumay
adaa qurux u haystoo
dumar qiimo dheeroo
qumantii haweenkaay
loo qiray asluubtaay
runbaad ii dhex qaado
ila qaybso noloshoo
adigu raboow hayna kala qarin
oo hayna kala qadin

darurtoo is qabatoo
dhulku roobku qariyoo
xareeduna qulqulaysabaad
adna iila qaabtoo
qawl baad i galisee
jacaylkan aan kuu qabo
miyaan qarin karaayaa
run baad ii dhex qaadoo
ila qaybso noloshoo adigu
raboow hayna kala qadin
o hayna kala qarineey

qoraxdoo iftiintiyo
qaangaadho ugubey
qoortaadan dheeriyo
qosolkaagan wacanbaa
qudhaydu u qushuucdoo
qalbigaad ku dhgantoo
kaa doortay qayrkaa
run baad ii dhex qaadoo
ila qaybso noloshoo adigu
raboow haynakala qadin
oo hayna kala qarineey

laba nolol qorsheystoo
isu qalanabaa nahay
abid kala qaloonayn
dhabtii waa isu qalana
qarnigani ragaa nool
qumanoow macaanoow
mma qof kuu dhigmaa jira
run baad ii dhex qaade
ila qaybso noloshoo adigu
raboow haynakala qarin
oo haynakala qadin

Exit mobile version