inkastoon salawgiisa
dokh i saanyaay haata
hurdo seexana diiday
soorna aan cuni waayay
samirkay ma hungoobo
waan kusii sugayaaye
xiligeenu samaadiyo
saadaasha xigi doonta
bacdadkii sidi waayee
ilmadoo susumaysiyo
jacaylkayga socdaalaan
ku sagootiyaayee

inu caashaq isaaqay
halistii ka salgaadhay
suuradaada iyo muuqa
aragaa ku sugmoo
nafta waan sababaa
sawirkaaga tusaa
sidii ooy sabi taan
sabaalaa ku wadaa
bacdadkii sidi waayee
ilmadoo susumaysa
jacaylkaan ka socdaalaan
ku sagootinyaaa

so baxeeda cadceed
sagal waagu ku qaytay
saymihiisa adaa
sansaankiisa lahoo
sareeday noqon lahayd
subax nool ba hadaad
samayskaagan macaan
indho saari lahaa
bacdadkii sidi waayee
imadaa susumaysa
jacaylkayga socdaalaan
ku sagootiyaaye

baadi socod kalgacayl
labadii suntadee
inta ay ka simaan
dhiig halbawluhu saydhsho
wanaagii isa siiya
inaabay isa seegin
sakalaa laga qaadoo
saatir iila baryaaye
bacdadkii sidi waayee
ilmada susumaysa
jacaylkaan ka socdaalaan
ku sagootiyaaye

Exit mobile version