waa ciid dhulkeeni
dharaar waxaynu joogna
dadku dheehashada guud
dhalinyaro iyo waayeel
dhedig iyo laboodki
farxad ay la dhacayaan
oo dheesha tumanayaan
dhaantaa baxaysoo
ubax wada dhalaaliyo
dhar waxaa la xidhan yahay
dhaqankii mudnaa iyo
hidihii dhabta ahaa

waa ciid dhalaankii
dheelaan ciyaariyo
dhaqaaq joogsi farxadeed
hadba dhinac u boodeeno
oo dheenta midhihiyo
dhafaruug gurteenoo
oo dharag la tiiceene
dhaantaa baxaysoo
ubax wada dhalaaliyo
dhar waxaa la xidan yahay
dhaqanki mudnaa iyoo
hidihii dhabta ahaa

Exit mobile version